Sections
Syndication


Email to a friend | Print version | Comments

Madaxweyne Shariif Oo Maanta 1300 Oo Askari Tababar Ugu Furey Magaalada Muqdisho.....

Dec 07,2009
by Muqdisho-Gedo-News

    Madaxweynaha Xukumadda Kmg ah ee soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jarey tababar loo furayey ciidamo ka tirsan ciidamada mileteriga dawladda kmg ah ee Soomaaliya. Munaasabadan furitaan tababar ciidamadaasi ayaa ka dhacdey magaalada muqdisho.

Tababarkan ayaa lagu wadaa inay ka qayb qataan ciidamo tiradooda lagu sheegey 1300 oo askari kuwaasi oo lagu biirin doono tababarkooda ka dib ciidamada mileteriga dawladda kmg ah ee soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey ciidamadaasi,waxaana uu ugu baaqey inay ciidamadaasi tababarkooda dhameystaan si ay wax uga qabtaan xaaladda adag ee ka jirta dalka soomaaliya.

Waxaa uu Madaxweynuhu kuu dhiiri galiyey ciidamadasi inay noqon doonaan kuwa xalinaya dhibaatada adag ee haysta shacabka soomaaliyeed,waxaana uu ka codsadey inay si wanaagsan tababarkaasi u qataan.

Ciidamadan tababarkoodu ka furmay magaalada muqdisho ayaa ah qaybtii 3-aad ee dawladda kmg ah loo tababaro,waxaana hadda diyaar u ah dawladda kmg ah ee soomaaliya 4500 oo askari kuwaasi oo tababaro ku soo qaatey dalka dibediisa.

Ahmed Aadam Gacal

Muqdisho-Gedo-News

Gedonet.com@gmail.com


402 times read



Related news:

M/weyne Shariif Oo Ka Qayb Galay Xaflad Ciidamo Dawlada Ah Tababar Loogu Soo Xirayey [ Sawiro Badan ]
by London-Gedo-News posted on Apr 16,2010

Uganda Oo Laga Dareemayo Diyaar Garowga Tababar Loo Fidinayo Ciidamo Dawlada Kmg Ah......
by London-Gedo-News posted on Nov 21,2009

Ciidamo Dawlada Kmg Ah Oo lagu Wado In Tababar Uga Furmo Degaanka Carmo Ee Gobolka Bari.....
by Galkacayo-Gedo-News posted on Apr 11,2010

Taliska Booliska Oo Maanta Ciidamo Tababar U Soo Xiray...
by Muqdisho-Gedo-News posted on Jul 21,2010

Muqdisho:- Xukumada Kmg Ah Oo Maanta Tababar Furtay 800 Oo Askari.........
by Muqdisho-Gedo-News posted on Apr 19,2010




Copyright © 1999- 2010 Gedonet Inc. All rights reserved. Powered by GEDO NEWS & MEDIA NETWORK