Sections
Syndication


Email to a friend | Print version | Comments

Heestii Cadibaad-Free Abdulle:By Abwaan Duraan Shirwac

Dec 25,2009
byLondon-Gedo-News
Qofkastoo bini-aadana waxuu ku fiican yahay oo illaahay u abuurey cibaadadiisa iyo danahiisa gaarkaa kadib inuu umada uu ka dhashay amaba islaamkaba waxuu awoodo uga faa,iideeyo.

Balse ilaahay taas haydin garansiiyo-hadiise lagu waasho siyaasad iyo bowdyo qaawin aan wax horumara laga gaarin, qoonkaasu waxuu noqdaa mid dhumay,sida aan nahoo kale.

Sidaasna waxaan u iri- dadku ma waanay u jeedin olalaha iyo sawirada tiiraanyada leh ee Free abdule, cid ka hadlaysa oo dareenkaas ku jiraaba waa hal iyo labee. Hadaadan yurub iyo galbeedka kalaba jaaliyada ku dhibaateysan xataa baroordiiqdu xataa waa hiilee,aan lala tiiraanyon,kuwa ururada sheeganayoow ama dadweynow u malayn maayo inaad dalkii iyo dadkii wax u qaban kartaane waxba yaan lays jaahwareerin.

Hadaba waxaan door bidey anigu maadama aan jacaburka aan isaga roonahay, waxaan u sameeyey hees aan ugu magac darey Cadibaad/ ololaha free Cabdulle,waxay anfaci doontaa insha-allaah hawlaha la wado, marka maanso gaaban halaga dhigo ama hees naaxiyad lasaaree waa tane ila aqrista.
 

Ruuxii cadibanoo
loo sheegto cududbaa
Cabdulaba siduu yahay
Ciil kaambinaayee

Daawadi casrigan
Cusuboo timaadoo
Caynteed lagaranbaad
Cabdille aad u haysaan

Ruux caafimaad wacan
Caadil uu u dhaliyoo
Curad reer ahaa
Idinkaa ku ridey cudur

Sideed sano cid aragtiyo
Teer iyo cabaarahan
Ciriirey ahaydoo
Cabdille waa la waayaye

Cidna eed kamuu galin
Caqli naaqus maa,ahayn
Caasi waalid wiil ahe
Usoo celi xoriyadii
Cod dheer ay denmaragey
Caalamkii uu leeyahaye.
 

Durraan Shirwa
em-dshirwa@yahoo.com
london/uk
Raas advertising and media resource
mahadsanidiin
 

4563 times read



Related news:

OGEYSIIS_ OGEYSIIS_ OGEYSIIS:Barnaamijka cusub ee SAXA-SAXO
by London-Gedo-News posted on Dec 02,2009

Muhiimadda Ay Leedahay Isku Xiraanta Waalidiinta Iyo Iskoolada By: Zainab Khaliif
by London-Gedo-News posted on Feb 23,2010

Barnaamijkii Saxan-Saxo:Qisadii Tahriib (Socoto): Qeybta 5aad
by London-Gedo-News posted on Feb 09,2010

BARNAAMIJKII SAXAN-SAXO:Qaybihiisii Xulashada ama doorashada dadweynaha- Q-1aad
by London-Gedo-News posted on Jan 31,2010

Aqoonta taranka (Sex Education) Sidee Ilmaha loo Bari Karaa? By Zaynab Khaliif
by London-Gedo-News posted on Jul 13,2010




Copyright © 1999- 2010 Gedonet Inc. All rights reserved. Powered by GEDO NEWS & MEDIA NETWORK